Guddigii RW Rooble u magacaabay dib u heshiisiinta G/Gedo oo Garbahaarey ka bilaabay kulamo

12

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magaalada Garbahaareey kulan kula leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolkaasi.

Guddigan oo ah wasiirro ka socda afar dowlad goboleed, ayaa halkaas u tagay sidii ay u bilaabi lahaayeen howlaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee loo xil saaray.

Guddiga dib u heshiisiinta wuxuu ka mas’uul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxyaabaha laga sugayo guddigan waxaa kamid ah in ay soo jeediyaan min labo Xubnood oo ah jagada gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Garbahaareey iyagoo la tashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.