Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay haweenay ninkeeda ku dishay Beledweyne

5

Wararka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen haweenay ninkeeda oo macalin dugsi ahaa ku dishay Magaaladaasi.

Macalinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cumar Macalin Muxumed, waxaana la sheegay in  xaaskiisa ay siisay cunno Sumeeysan isaga oo u Geeriyooday suunti la siyeey markii dambe.

Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacday Xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in in macalinka u Dhawaan Guursaday Gabadha Suunta ugu Dartay Raashinka.