Munaasabad lagu abaal marinayey Howlwadeenaddii Todobaadka Xoriyadda oo lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta

5

Munaasibadan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ujeedku ahaa abaalmarinta guddiyadii kala duwanaa oo ka qayb qaatay wacyi galintii maalmaha  tobaadkii xoriyadda , isbuucaas oo ka dhignaa mid kamida isbuucyadii u samaaynta badnaa soomaaliya .

Waxaana munaasibada kasoo qayb galay Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar sidoo kale waxaa si wada jir ah kulanka u fadhiyey gudigii qaban qaabada ee 7aadka xoriyada.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisaka Cusmaan Abukar Dubbe oo ahaa gudoomiyhii qaban qaabada maalmaha xoriyadda  oo furay munaasibada  ka warbixiyey  shaqadii adkeyd ee  nafhurka ahayd ee ay soo qabteen guddiyadda maanta la abaalmariyey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulanka soo xidhay ayaa waxa uu bogaadiyey kaalintii ay ka qaateen gudiga qaban qaabada 7aadka xoriyada wacgalinta iyo hanuuninta bulshada.

Gabagabadii waxaa shahaado sharaf la siiyey guddiyadii qaybta ka ahaa guddiga qaban qaabada 7aadka xoriyada .