Xayiraad Dhanka Socdaalka Oo Lagu Soo Rogay Somalia Iyo Dalal Kale

17

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Koonfurta Kuurya ayaa waxay maanta ku dhawaaqday inay kordhisay Xayiraadii dhanka Socdaalka ee lagu soo rogay 6 Waddan oo ay Somalia ka mid tahay.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP oo aan warkan ka soo xiganay waxay qortay in muddo 6 bilood ah lagu kordhiyey Xayiraadda dhanka Socdaalka ee lagu soo rogay Muwaadiniinta dalalka Somlia, Syria, Yemen, Iraq, Afganistan iyo Gobalka Koonfureed ee dalka Filibiin oo ay ka mid yihiin Gacan-biyoodka Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Koonfurta Kuurya waxaa Xayiraaddaasi loo soo rogay sababo la xiriirta Colaadaha, Khataraha Weerarada waxa loogu yeeray Argagixisaddaiyo Deganaansho la’aanta Siyaasadeed ee ka jirta dalalka Somalia, Syria, Iraq, Libya, Afghanistan iyo Gobalka Koonfureed ee dalka Filibiin.

Tallaabada Xayiraadaasi waxay dhaqan-geli doontaa laga bilaabo bisha soo socota ee August 1-da ilaa bisha January 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Dowladda Koonfurta Kuurya waxay horey Xayiraad dhanka Socdaalka ku soo rogtay dalka Somalia sanadkii 2007-dii.