Guddiga Sare Ee La Socodka Doorashooyinka Soomaaliya Oo Tababar Loo Qabtay

12

Guddiga kor joogtayn doona Doorashooyinka Guud ee Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qabtay magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland.

Guddigan oo ka kooban 20 xubnood oo kala yimid dhammaan Gobolada Soomaaliya waxa looga faa’iidaysan doona doorashada Federalka iyo mida kale ee la filayo in sadexda degmo ee Puntland ka qabsoonto.

Hay’adda Bulshada Rayidka Puntland PUNSAA ayaa daah furtay tababarka Guddiga sare ee la socodka doorashada Soomaaliya iyo midda Puntland, kuwaas oo maanta tababar uga furmay magalada Garowe.

Waxaa tababarka qeyb ka ah dhammaan Bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan oo madasha lagu casuumay.