R/wasaare Rooble oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

3

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.