Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray odayaal dhaqameed ku sugan Muqdisho.

11

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa markii u horraysay ka jawaabay hadal ka soo yeeray qaar kamid ah Odayaasha dhaqan magaallada Muqdisho, kuwaas oo dalbaday in Puntland u sii dayso rag loo haysto iney ka tirsan yihiin dagaalamayaasha oo ku xiran magaallada Gaalkacyo.

Guddoomiye Sanyare, ayaa sheegay in qof kasta oo ku eedaysan Shabaabnimo baaritaan lagu samaynayo, haddii lagu helana sharciga la marin doono, islamarkaana qofkii lagu waayo xorriyaddiisa dib loogu celin doono.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in aysan Qabiil iyo cid kale toona ka ogolaan doonin in la sii daayo qof ay ku caddaatay in uu Al-shabaab yahay, islamarkaana halis ku yahay Amniga iyo Xasiloonida dalka.

Waxa uu shaaca ka qaaday in qof ka tirsan AL-shabaab in la dilo mooyee balse aan la sii deyn doonin, islamarkana waxa uu sheegay in qof qabiil lagu dilay aysan jirin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Odayaasha ku sugan magaallada Muqdisho ee ka hadlay, in ay yihiin dad Al-shabaab adeegsanayso oo lagu amray hadalkaas, si loo sii daayo rag Shabaab loo haysto oo u xiran Puntland.