Guddiga doorashada Koofur galbeed oo maanta gaaray Baydhabo

12

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo qeybin doonaa magaalooyinka Baraawe iyo Baydhabo oo ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka qeybta ka imaaneyso KGS.

Guddiga ayaa maalmaha soo aadan kulamo ka bilaabi doono magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale guddiyada kale ee doorashooyinka heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in ay tagaan deegaanada maamul goboleedyada