Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xerooyin Ciidan

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey xerada Ciidanka Xoogga dalka kaga sugan yihiin degmada Garbahaarey.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boggaadiyey ciidanka difaaca dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka wadaan degaannada kala duwan ee Gobolka Gedo.

Kulan gaar ah oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa uu faray inay dardar geliyaan howlgallada degaannada Gobolka Gedo looga saarayo Al-Shabaab, sigaar ah degmada Garbahaareey oo lagu qabanayo doorashada xildhibaannada labada Aqal qeybta Jubbaland.

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Maxames Rooble in uu kulamo kala la qaata Maamulka degmada, Odayaasha Dhaqanka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.