Wasiir Caadle: “Baladweyne way ka dhaceysaa Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka

11

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha hoose DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto duruuf baajin karta in Magaalada Baladweyne lagu qabto qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Caadle oo la hadlay Mustaqbal waxa uu tilmaamay in DG Hir-Shabeelle ay ka go’an tahay fulinta heshiiska Doorashooyinka ee dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Baladweyne Doorasho way ka dhici kartaa weyna ka dhaceysaa waana loogu talagalay, Shacabku way rabaan oo heshiiska ayay ku qoran tahay, ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa joogta” ayuu yiri Wasiir Caadle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose DG Hir-Shabeelle Maxamed Caadle ayaa sheegay in aanay wadahadal la fureyn Gen. Xuud & shaqsiyaadka la safan illaa iyo inta ay ka qabanayaan Doorashooyinka Kuraasta Golaha Shacabka ee Magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalameen Ciidamada DG Hir-Shabeelle & Maleeshiyaad uu wato Gen. Abuukar Xuud waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa labada dhina