Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo shacabka ku dhaqan Beledweyne ugu baaqay iney ka shaqeeyan sugida amniga

11

Madaxweyne Ku Xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta socdaal kormeer ah ku tagay xaafadaha iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan ee magaalada Magaalada Beledweyne.

Kusimaha Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa socdaal lug ah ku maray wadooyinka waaweeyn ee magaalada iyagoo ugu dambeyn xaafada Nuur xawaad kula kulmay qaar kamid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa bulshada Beledweyne kula dardaarmay ka shaqeeynta amniga wixii amniga lid ku ahna ay lasoo wadaagaan Hay’adaha amniga.

Xaalada maamulkaas ayaa labadii maalin ee la dhaafay mid aad u xun kadib markii halkaas uu ka dhacay dagaal dad badan oo shacab ah ayaa ka barakacay magaalada.

Shirka golaha wasiirada Hirshabelle ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta nabadgelyada Deegaanada maamulka Hirshabeelle.