Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo wakiillada beesha caalamka?.

13

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiillada beesha caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay Arrimaha doorashooyinka dalka, amniga doorashooyinka iyo teegeerada beesha caalamka ay siiso Soomaaliya iyo tan farsamo ee ku aadan doorashooyinka dalka ee la filaayo iney dhacaan.

Kulankan uu la qaatay ra’iisulwasaare Rooble ayaa waxa uu imaanaya iyadoo dhawaan ay magaallada Muqdisho ku yeesheen shir madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo Rw Rooble kaas oo intiisa badan looga hadlay howlaha dardargelinta doorashada kadib markii heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka ka dalbaday iney kala shaqeeyaan howlaha doorashooyinka isaga oo xusay in loo baahan yahay garab istaag buuxa, islamarkaana uusan la safan doonin musharax gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayey ahayd markii ra’iisulwasaare Rooble uu guddiyada doorashada uu faray iney ka shaqeeyaan cadaaladda, islamarkaana iska ilaaliyaan wax ku saabsan musuq-maasuq ku aadan arrimaha doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in uu xoogga saari doono sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay laguna wada qanacsan yahay.