Guddiga Maamulaya Doorashada Koonfur Galbeed oo doortay Guddoomiye.

13

Doorashada guddonka Guddiga maamulaya doorashada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah ka qabsoontay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, isla markaana ah xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa iska dhex doortay Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur Galbeed.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha waxaa isku soo sharaxay

  1. Yusuf Cabdiqaadir Maxamed
  2. Maxamed Cabdullaahi Sheekh Xasan

Doorashada waxaa soo xaadirtay 11 xubnood

– Yuusuf Cabbdiqaadir Maxamed waxa uu helay 10 xubnood, halka Maxamed Sheekh Cabbdullaahi Xasan uu helay 1 cod.

Yuusuf Cabdiqadir Maxamed ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halka Guddoomiye ku-xigeena Guddiga ay u tartameen Nuuradiin Ibraahim Aadan iyo Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, waxaana ku guuleystay Nuuradiin Ibraahim Aadan in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka.