Taliye Xijaar oo sheegay iney ciriiriga ka jira waddooyinka Muqdisho u dajiyeen qorshe gaar ah.

3

Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliya general Cabdi Xasan maxamed Xijaar oo  shir jra’iid ku qabtay xarunta ciidanka tarafikada ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada amniga magaalada muqdisho iyo ciririga ka jira qaar kamid ah wadooyinka caasimadda.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgaladii ugu danbeeyey  ay ciidamada amniga ka sameeyeen gudaha Muqdisho si gara ah degmooyinka Hodon,Karaan iyo Waadjir ay  ku soo qabteen  kooxo burcad ah oo shacabka degmooynkas dhac u geysanayey maalmihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay haatan xiran yihiin, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doono maalinta Isniinta ah ama Talaadada ee todobaadkan gudihiisa islamarkaana sharci la marsiin doono.

Taliyaha ciidamada Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka amni darro ka geysta gudaha caasimada.

Dhinaca kale General Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa sheegay in   ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho, ay u  dajiyeen qorshe gaar ah oo wax looga qabanayo

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadey  iyadoo maalmihii u danbeeyey  Muqdisho ku soo badanayeen falalka amni daro  in kastoo ciidamada amniga gacanta ku dhigeen kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey,  qaar koodna ay ka tirsanyeen ciidamada dwoladda.