Ciidamada Mareykanka ayaa 20 sano kadib waxaa ay Saaka oo Jimca ah ay isaga baxay saldhigga Bagram ee Afghanistan.
Askarta Mareykanka ee ka baxay saldhigaasi ayaa waxaana lagu qiyaaseyaa 2,500 -3,500.
Saldhiggan oo ahaa mid dhinaca cirka ah ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamada Difaaca iyo Amniga Qaranka Afgaanistaan, Sarkaal Ameericaan ah oo aan la shaacin magacii ayaa sidaasi u sheegey wakaaladda wararka AP Maanta oo Jimca ah.
Ciidamada Mareykan eek u sugan gudaha Afghanistan ayaa la filayaa in bisha September ee soo socota ay billaabaan ka bixitaankooda dalkaasi.