Madaxwayne Ku-Xigeenka Puntland Oo Shir Guddoomiyay Shirka Maamul Daadajinta Iyo Adeeg Bixinta Puntland

11

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-Guddoomiyay shirka Maamul baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland.

Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladaha Hoose ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada.