Booliska Germany oo baaris ku wada wiilkii Soomaliga ahaa ee dilka ka geystay dalkaas

7

Booliska dalka Germany ayaa si weyn ugu mashquulsan inay ogaadan waxa ku qasbay wiil Soo galooti Soomaali ah oo 3 maalin ka hor dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Wurzburg  ee dhacda Koofurta wadanka Germany.

Ninkan ayay boolisku ku sheegeen 24 jir Soomali ah oo ku noolaa magaaladaas.
Wiilkaan Soomaliga ayaa la cadeeyay in 5sano ka hor uu tagay dalkaasi Germany balse uu ku fashilmay inuu helo Basaboorka wadankaasi inkastoo usoo tarxiilistiisa Somalia aysan sahlaneen maadama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Germany ay Somalia u aqoonsantahay wadamada ay khatarta badan ay ka jiraan.

Booliska ayaa ka war dhowraya waxa kasoo baxa baaritaanka laba telfoon oo uu lahaa kuwaas oo gurigii uu deganaa laga helay, Mas’uuliyiinta baaritaan wada ayaa tilmaamay in maalmo ay qaadanayso in la turjumo waxyaabaha fariin qoraaleedyada iyo codadkii la is dhaafsaday.

Booliska waxa ay aaminsan yihiin in arintaan ay ku lugyeelan doonto xagjirnimo, Goob jogayaal ayaa sheegay in wiilka markii uu dadka tooreenayay uu ku dhawaaqayay Allaahu Akbar.

Wiilkan Jibriil lagu magacaabo ayaa booliska cadeeyay inuu soo dhameystay tababar dhinaca dagaalka kooxaha Argagexisada ah balse wali booliska ma cadeynin waxyaabaha ku ka lifay arintan.