Dowlad gobolleedka Puntland, ayaa maanta Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa hore xukun dil ah ugu ridday raggan oo ka kooban shabakado Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Mudug, gaar ahaaanna magaalada Gaalkacyo.
Xukmanayaasha la toogtay waxa ku jira, saraakiil sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.
Sidoo kale, caasimadda Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.