Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho.

15

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, uu Magaalada Muqdisho kaga  qeybgalayaa shir ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka ku saabsan kaas oo uu icilaamiyey R/wasaare Rooble dhawaan.

Hore Muqdisho waxaa u soo gaaray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyadoo saacadaha soo socda la filaayo iney Muqdisho soo gaaraan madaxda kale ee shirka ka qeyb galaysa.

Shirkan ayaana inta badan waxaa looga hadli doonaan hanaanka doorashada iyo heshiiskii ay wada gaareen madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.