Midowga Yurub oo ka jartay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee Soomaaliya

5

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa laga jaray 66 boqolkiiba ama 4.9 bilyan oo shilinka Kenya ah, sannad maaliyadeedka cusub ee bilaaban doona bisha Luulyo, maaddaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo inay ka baxaan Soomaaliya kaas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa qorsheynayay in bisha Diseembar ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Deeqaha la siiyo Kenya waxaa badanaa loo soo mariyaa Xarunta Nabadda ee Midowga Afrika. Askarta la dagaallameysa Al-Shabaab ayaa sida caadiga ah waxay shaqeeyaan muddo hal sano ah oo laga yaabo in loo kordhiyo.

Goor sii horeysay qiyaasta mishaarka ay qaataan ciidamada Amisom ayaa muujinayay in askari kasta uu bishi qaato 1,028 oo doolar. Dowladahooda ayaa markaa ka jaraya qiyaastii $ 200.

Saraakiisha Kenya waxay ku doodayaan in joogitaanka Kenya ee Soomaaliya uu weli yahay mid muhiim ah.

Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa loo arkaa inay yihiin khatarta amni ee ugu weyn ee xilligan haysata Soomaaliya, waxaana ururkaas uu doonayaa in dalka uu ka hirgeliyo dowad ku dhaqanta Shareecada Islaamka qaabka ay iyagu u rabaan.

Xigasho:- BBC