Madaxweynihii hore ee Zambia oo geeriyooday

6

Madaxweynihii aasaasay Zambia Kenneth Kaunda ayaa geeriyooday, isagoo jira 97 Kaunda, sida ay xaqiijeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Madaxweyne Kenneth oo ahaa halyeeygii xorriyadda ee Zambia ayaa ku dhintay isbitaal milatari oo ku yaal Lusaka halkaas oo lagu daweynayay oof wareen, wiilkiisa, Kambarage, ayaa sheegay Khamiistii.

Kaunda, wuxuu xukumayay Zambiya laga soo bilaabo 1964, markii wadamada koonfurta afrika uu xornimadooda ka qaateen ingiriiska, ilaa 1991, intaa kadibna wuxuu noqday mid ka mid ah dadka ugu firfircoon afrika ee u ololeeya ladagaalanka HIV / AIDS.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Zambia ayaa si wayn uga hadlay geerida madaxweynahii hore, iyagoona ku tilmaamay aabihii Zambia.