Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeelanaya Shirkada DP World ee maamusha dekeda Boosaaso

14

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeelaan magaalada garoowe ee gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa maanta waxaa si adag looga dooni doonaa shirka DP World ee maamusha dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ku dhawaad 15 mudane ay mooshin ka dhan ah shirkada DP World ay u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka maamulka Puntland.