RW Rooble oo kulan la qaatay safiirka Qatar.

7

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble  ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Qatar ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya iyadoo mashaariic kala duwan ay Soomaaliya ka fuliso.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa tan iyo markii heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayey madaxda caalamka u jooga Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka isaga oo sheegay kal hore in xukuumadiisu xooga saari doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.