Bulshada Rayidka Oo Dalab La Xiriira Carruurta Maqan U Diray RW Rooble

1

Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay tallaabada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble uu Guddi xaqiiq raadi ah ugu magacaabay Cabashada ay qabaan waalidiinta Carruurtooda loo qaaday dalka Eretariya.

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax ayaa tallaabo muhiim ah oo ay qaaday dowladda Federaalka ku tilmaamay magacaabista Guddiga loo saaray Cabashada ay qabaan waalidiinta Carruurtooda ka maqan yihiin ee tababar laba sanno kahor loogu qaaday Eretariya.

Bulshada Rayidka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay in Guddiga uu magacaabay ku daro qaar kamid ah waalidiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixay, xiligii la qorayay dhalinyaradii loo qaaday tababarka, si walaaca ay qabaan waalidiinta u yaraado.

Shaatax ayaa xusay in Arrinta walaaca ku abuurtay waalidiinta Carruurtooda ka maqan yihiin ay tahay in aysan helin xiriir ay la yeeshaan Carroortooda tababarka loogu qaaday dalka Eretariya, kuwaasi oo la tilmaamay inay dowladda qaaday.

Sidoo kale Urrurada Bulshada ayaa Xukuumadda ka codsaday in baaris dhab ah lagu sameeyo qaabkii marka hore dhalinyarada tababarka loogu qaaday, isla markaana muhiim ay tahay in aan la siyaasadeyn arrintaan.

Dhalinyaradan tababarka ciidan loo qaaday oo kumanaan gaaraya ayaa la sheegay in laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, qaar badan oo ka mid ahna lagu dilay halkaas, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.