Kenya Oo Ka Jawaabtay Baaqii Dowladda Somalia Ee Dib U Furista Safaarada

13

Dowladda Kenya ayaa ka Jawaabtay Go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday ay mar kale ku dooneyso inay dib ugu soo celiso xiriirka kala dhexeeyay Kenya iyo dib u furista Safaarada Kenya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibbada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu furayaan Xaruntooda Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho, isla markaana ay dib u bilaaban doonaan shaqooyinkii hakadka ku jiray.

Kenya ayaa Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ku martiqaaday inuu dib ugu laabto Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka, dibna uu bilaabo shaqadiisa Safiirnimo ee uu ka haayay halkaas.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibbada Kenya ayaa tilmaamtay in dib usoo celinta xiriirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid wanaagsan, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirkii xumaaday.

Qoraalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda Federaalka ay Kenya ugu baaqday inay dib u furto Safaaraddeeda Muqdisho, halka dowladda ay caddeysay inay fureyso Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Nairobi.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu so celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay tagi doonaan Magaalada Nairobi, halka kuwo kalena ay imaan doonaan Muqdisho