Ciidamada xoogga oo xubno Al-shabaab ah ku dilay Jubbada Hoose.

20

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Kumaandooska ayaa khasaaro xoogan gaarsiiyay dagaalameyaasha Al-shabaab, iyadoo halkaasi looga dilay 16 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka tiro intaasi ka badana lagu dhawaacay dagaalka sida uu sheegay Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab Carab Dheeg Axmed.

Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen ciidanka Nisa qeybta Jubaland ayaa waxaa baaritaano lagu sameeyay deegaanaadii Al-shabaab ay isaga baxeen.