Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

5

Ciidamada Itoobiya ayaa xalay tiro madaafiic ah ku garaacay Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin  koofurta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaafiic ayaa waxaa ay ku dhaceen deegaanka Gooyaale ee Koofur kaga beegan magaalada Baydhabo, xili halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalameyaal badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmi ah ee gaaray  Al-Shabaabka lagu weeraray koofurta magaalada Baydhabo.

Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya eek u sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shalay ayay aheyd markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga uu dagaal culus uu ku dhexmaray deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.