Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo ku dhawaaqay xubnihii cabashada laga soo gudbiyay

5

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayeey aheed markii middowga musharaxiinta ay soo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen kuwaas oo ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin xafiisyada dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasiina ah ayna ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad ka ahayn doorashada dalka.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mida xubnihii  la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameeyeen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisu ka shaqeyn doonto doorasho hufan oo dalka ka dhacda, Sidoo kale Ra’iisulwasaare Rooble ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah midowga musharxiinta iyo xubno ka tirsan beesha caalamka waxaana uu kala hadlay arrimaha doorashada.