Xarun lagu dayactiraayo diyaaradaha oo markii ugu horeysay laga hirgeliyey Muqdisho.

14

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Axmed Faarax ayaa dhagax dhigay xarunta dayactirka diyaaradaha oo laga hirgalinayo garoonka diyaaradaha  Aadan cadde.

munaasabada dhagax dhiga oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxa kasoo qayb galay wufuud kala duwan, kuwaas oo isugu jiray wasiirro, xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Dhagax dhiga xarunta dayactirka diyaaradaha ayaa wax badan ka badali doonta hanaanka shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waana markii ugu horeysay garoonka laga hirgaliyo xarunta dayactirka diyaaradaha, kabdib burburkii dalka.