Maxaa Looga Kulankii dhex maray RW Rooble Iyo beesha caalamka?

5

kulan u dhaxeeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah DFS Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho kadib markii dhawaan heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Kulankaan oo uu shir gudoominayay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa waxaa looga hadlayay heshiiskii laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sidii looga shaqeyn lahaa Amniga guud ee Dalka.

Ra’iisluwasaare Rooble ayaana waxa uu hore u sheegay in xukuumadiisu ka shaqeyn doonto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan taas oo ku dhacda si nabdoon.