Faysal Cali Waraabe Oo Eedeyn u jeediyey DF

18

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee Soomaaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa  Dawladda waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inay Baa’biisay heshiisyadii ay hore Somaliland ula gashay madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif.

Faysal Cali Waraabe ayaa ayaa ku baaqay in la joojiyo Wada-hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal oo khudbad u jeedinaayey taageerayaashiisa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iiday wada-hadallada ay kula jirto Somaliland in qadiyaddii aqoonsi-raadinta ee Somaliland uu dhaawac soo gaaray mudooyinkii danbe sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay  in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah.

Waxaana uu yiri “Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri  in Golaha Wakiillada ee la soo dooranayo uu ajandihiisa koowaad ka dhigo in la joojiyo Wada-hadallada Somaliland kula jirto Soomaaliya “Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.”

Wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa in muddo ah ahaa kuwa soo jiitamaayey iyadoo ilaa hada aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha uu muranka ka taagan yahay.