Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay diiwaagelinta codbixiyaasha oo ka socoto deegaanada Puntland

7

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee ka socda saddex degmo oo ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku bogaadiyay barnaamijka diiwan-gelinta codbixiyaasha saddexda magaalo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufayn, halkaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay, hirgelinta hannaanka xisbiyada badan si shacabka Puntland loo gaarsiiyo in ay codkooda wax ku doortaan, waxaana uu ku baaqay in dhammaan laga wada-shaqeeyo taabba-gelinta barnaamijkaas.