Biden oo markale ku celiyay inuu taageero siin doono Israa’il

2

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falastiin leedahay uu yahay “jawaabta kaliya” ee dagaalkan.

Biden ayaa ka hadlay Aqalka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xamas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 maalmood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza.

Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiriira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abuuray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii tobaneeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen “diblomasiyad jilicsan” oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin.

“Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. “Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-banaan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray.

Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqeeyey Masar kadib markii Mareykanka ay ku cadaadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo gobolka “si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wada wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.”