Qoor Qoor oo Gaalkacyo uga qeyb galay aaska Sheekh Cali Dheere

13

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Golaha Wsiirada Galmudug iyo maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheekh Cali Axmed Farax (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa maamulihii xarunta daryeelka agoonta ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug oo goobta aaska warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in cadaalladda la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilka Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Bulshada qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay geeridi ku timid Sheekh Cali Dheere.

Sheekhan oo caan ka ahaa gobolka Mudug, isla markaana ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka ayaa maalmo ka hor lagu dilay deegaan hoos taga magaalada Gaalkacyo.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa aad u dhiidhiyey dilkii loo geystay Sheekh Cali Dheere, iyagoo dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilka Sheekh Cali Dheere.