Madaxweynaha Puntland Deni Oo Gaaray Magaalada Nairobi

20

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Aabab ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu safarkiisa Nairobi ku saabsan yahay dhaqaajinta mashruuca dhismaha wadada Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kaas oo ay hadda gacanta ku hayso hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu sidoo kale Kenya kulan kula qaadan doono Madaxda hay’ado iyo Safaarado Soomaaliya ka taageera dhanka horrumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimada.

Sidoo kale Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Deni, Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo xubno kamid ah Beesha Caalamka, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu soo gaba-gabeeyo safarka uu ku joogo dalka Kenya ayaa waxaa uu u soo ambabixi doonaa Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee Madaxda la isugu yeeray, kaasi oo dhici doona 20-ka bishaan.