Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka tagi jiray Soomaaliya

9

Hay’adda duulista hawada Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya, laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

Xayiraadda duulimaadyadan waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.