G.ku xigeenka Gobolka Gedo oo kulamo kula Qaatey Baardheere Maamulka Degmada (Wareysi+Sawirro)

50

Kulamada maanta uu la qaatey Maamulka degmada Baardheere , Maxamed Cali Xuseen (Diini) oo ah G.ku xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Gedo ahna Madaxa Siyaasada iyo Nabad gellyada Gobolka ayaa looga arinsaneyey xariirka wax wada qabsiga,isku tashiga ,horomarka degmada iyo Baahiyooyinka ka jira degmada sida Amniga iyo Horomarka deegaanka.

Gudoomiye Diini oo maalmahan Howlo shaqo u joogey degmada Baardheere ayaa ugu baaqey bulshada qeybaheeda kala duwan inay isku tashtaan,islamarkaana ay sameystaan Guddiyo ka shaqeeya ka hor tegida Masiibooyinka soo noq noqda ee deegaanka Sida Abaaraha iyo Fatahaadaha.