Xiisad dagaal oo ka taagan Waqooyiga G.Galguduud

19

Wararka naga soo gaaray degmada Balanballe ee hoostaga gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba ciidan.

Xiisadda ayaa timid ka dib markii degmada Ballanbale lagu dilay afar ruux oo isku qoys ah. Waxaana ay u dhaxeysa ciidamada dowlad deegaanka iyo Maleeshiyo ka tirsan dadka deegaanka.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN waxaa taagan xiisad dagaal, iyadoona laga cabsi qabo in uu dagaal dhexmaro labada ciidan.

Dhinacada xiisadda ka dhaxeyso ayaa tan ilaa saakay ciidamo geeyay deegaankaasi.

Maamula Ballan-balle ee waqooyiga gobolka Galguduud ayaa sheegay in ay ciidamada dowlad deegaanka ay maalmahaan ‘wadeen dhibaato’, isla markaasna ay dhowr jeer la hadleen mas’uuliyiinta maamulkaasi, balse aan loo soo jawaabin.