Sheekh Shariif “Waxaan dalbanayaa in doorasho la aado si loo kala badbaado”

11

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladdaaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isku dhacyadii ka dhacay caasimada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xaaladda uu dalka ku jiro ay tahay mid Qatar ah, isla markaasna loo baahanyahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa.

“ Xalka waa in uu noqdaa mid siyaasi ah oo meesha ay hadda ay joogto aysan dhaafin, waxaana dalbanayaa in laga shaqeeyo nabada iyo in doorasho la aado si loo kala badbaado” ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif

Sidoo kale waxaa uu soo dhoweeyay go’aankii ay hore u gaareen madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Galmudug, iyo Ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku tilmaamay in ay qaateen mowqif wanaagsan.

Sheekh Shariif oo Golaha Shacabka la hadlay ayaa yiri:

“Baarlamaanka muddo kordhinta ay sameeyeen waxay ka liftay inay dad badan dhintaan amaanadii loo dhiibayna way dhumiyeen waa lagama maarmaan in doorashada laga heshiiyo” ayuu yiri Sheekh Shariif.