Taliye Boolis Oo Isku Dhiibay Ciidanka Millateriga Ee Kasoo Horjeeda Muddo Kororsiga

13

Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Shibis ayaa isku dhiibay Ciidanka Millateriga ah ee kasoo horjeeda Muddo kororsiga, kuwaasi oo ku sugan Mirinaayada, oo shalay ilaa xalay ay ka dhaceen dagaallo goos goos ah.

Taliyaha oo lagu Magacaabo Taliye Farxaan Jaraaye ayaa wata gaadiid dagaal oo aad u hubaysan iyo Ciidan, waxaana uu ka warbixiyay ku biiritaankiisa Ciidanka kasoo hor jeeda Muddo kororsiga Farmaajo, ee taabacsan Mucaaradka.

Waxaa uu sheegay in dhanka Dowladd uu isaga soo baxay, waxaana uu yiri
“Anigu isma dhiibin ee waxaan arkay in dadka lagu kor dagaalamayo ay yihiin dadkeyga, waxaana u tagay walalahayga”.

Sidoo kale waxaa uu Ciidanka iyo Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay kusoo biiraan Ciidanka kasoo horjeeda Dowladda, la safan Mucaardka, kuwaasi qaybo ka mid ah muqdisho ay isku Hor fadhiyaan Ciidanka Dowladda.