Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Dalka

16

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatadii dhacday ee lagu khalkhal gelinayay Ammaanka iyo Nabadda caasimadda, isagoo ku baaqay in cid weliba ay Nabadda ka shaqeyso bulshaduna u turto.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa faray ciidamada amniga inay gutaan waajibaadka Qaranka oo ay dhowraan amniga shacabka, kana hortagaan qatar kasta oo dhibaato u keeni karta bulshada Soomaaliyeed.

“Aad baan uga xumahay dhibaatadii lagu khalkhal galiyay amniga Caasimadda. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay xalka ugu habboon ee inoo furan, howshaaa oo aan bilaabay guulna ka rajeynayo.Aan ka wada shaqeyno nabadda iyo xasilloonida dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka, culimada, Bulshada rayidka ganacsatads, Haweenka iyo dhallinyarada in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada Dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.