Madaxda DFS oo galabta shacabka weydiisan doonaan taageero dhaqaale

4

Madaxweynaha y Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , RW Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa galabta lagu wadaa in ay la hadlaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in ay shacabka weydiistaan taageero dhaqaalo.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in markii u horraysay dowladda ay soo food-saartay dhaqaale xumadii ugu darnayd, kadib markii deeq-bixiyaashu ay ka jarteen dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Federaalka.

Wasiir Beyle, ayaa sheegay mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan cuntada iyo adeegga Ciidanka ay ku baxdo lacag dhan $30 malyan oo Dollar, taas oo aysan xataa kala barked dowladdu heli karin, kadib markii laga jartay lacagtii kabka ahayd ee Caalamku bixin jiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh