Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in hoygiisa ay weerar ku soo qaaday DFS

2

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ilaalada siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdirshakuur ayaa sheegay in howgiisa oo ku yaalla dalcadda Cabdiqaasim oo u dhow Isgoyska Lambar Afar ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada dowladda.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirshakuur oo Bartiisa Facebook qoraal ku soo qoray.