Ciidanka Dowladda Oo Dib Ula Wareegay Isgoyska Fagax

1

Ciidankii saaka la wareegay xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ayaa lagu soo warramayaa in ay dib ugu laabteen degaanka Gubadleey, waxaana dib u qabsaday Xafadahaasi Ciidanka Dowladda.

wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda qabsadeen Isgoysa Fagax, iyadoo kula wareegeen  dagaal la’aan, sidoo kale waxaa la sheegayaa in saraakiishii hogaamineysay Ciidankaasi ay la hadleen odayaasha deegaanka, taasi oo keentay in ay dib u laabtaan Ciidankii saaka Qabsaday Xaafado ka tirsan Yaaqshid.

Goor sii horeysay dagaal kooban oo ka dhacay isgoyska Sanca ayaa ciidankii milateriga dib looga riixay,
Dhinaca kale aagga Mirinaayo oo dagaalka ugu culus ka dhacay ayaa la sheegay in ciidanka milateriga ay la wareegeen, iyadoo ciidankii Nabadsugida loo soo riixay dhinaca Isbartiibada Koonis.