Taliyaha booliska D/Hodan oo sharacay qaabkii loo dilay guddoomiye C/Xakiin Dhegajuun

4

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka bilaabatay dhagaysiga dacwad ka dhan ah saraakiil iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku eedeysan dilkii sanadkan bilowgisii Muqdisho loogu gaystay guddoomiyhii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhegajuun.

Illaa sideed eedeysane oo midkood uu maqane yahay ayaa lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilka gudoomiyihii hore ee degmada Hodan.

Taliyaha Saldhiga degmada Hodan ee gobolka Banaadir Bashiir Cabdi Siyaad oo ka mid ah marqaatiyeyaasha la horgeeyey maxkamadda ayaa ka warbixiyey sida uu u dhacay dilkaas.

Bashiir oo xilligaas ahaa taliyaha qeybta Waliyow Cadde ayaa sheegay in dilka guddoomiyaha ka hor uu soo wacay taliyaha saldhigga degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamuud, isagoo u sheegay in gudaha magaalada uu ku jiro gaadiid muqaadaraad sida, isla markaana ay soo qaba doonaan.

Taliye Bashiir ayaa intaas ku daray inuu isna xogta usii gudbiyey taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, gaar ahaan taliyihii xilligaas Saadaq Joon, isaguna uu ku amray in laga hortego gawaarida la sheegay inay magaalada soo gelinayaan muqaaradaadka.

“Waxaa iigu xigtay rasaasta dhaceysa aniga oo kormeer isaga socda wuxuu gacanka iga soo siiyey in baabuur uu xabadeeyey oo rasaas ay isku fureen bacdeena gaariga uu gadaal u baxay. Waxaan ku iri wax khasaare ah ma jiraan wuxuu dhahay ma faah faahin karo, kadib waa soo baxay meel dhexe intaan soo marayey ayuu igu soo celiyey wuxuuna igu yiri waa guddoomiyihii degmada Hodan,” ayuu yiri Taliye Bashiir.

Waxuu intaas ku sii daray, “Goobta ayaan imid waxaan la kulmay ka bacdi dhimashada guddoomiyihii iyo dhaawaca dadka anaa ugu soo horreeyey, kadibna tallaabadii iiga gudbooneyd ayaan qaaday. Saraakiishii ayaan u yeeray nin walba istaafka uu wado qoryaha haka qaado saldhiggana halagu wada xareeyo, sidaas ayaan hubka uga dhignay bacdeena istaafkii mid ka mid ah ayaa la waayey oo Shuceb istaafkiisii ka mid ah ahaa.”