UK oo war ka soo saartay go’aankii Golaha Amniga ee Midowga Afrika

4

War qoraal ah oo ka soo baxay safiirka dowladda Uk ee u qaabilsan arimaha  Soomaaliya  ayaa waxaa lagu taageeray go’aanka Gollaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika kasoo saarey doorashada Soomaaliya iyo muddo kordhintii Gollaha Shacabku uu u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

“Waa muhiim in la xalliyo qalalaasaha siyaasadeed iyo in madaxda Soomaaliya ay la falgalaan dadaallada dhexdhexaadinta ee Midowga Afrika, taas oo aan soo dhoweyneyno, islamarkaana aan taageersanahay” sidaasi waxaa tiri Kate Foster Safiirka Uk u fadhiya Soomaaliya qoraal ay ku daabacday Twitter-keeda.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa oo shalay ka shiray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.