Jaamacadda Carabta oo ka digtay muddo kordhintii Golaha Shacabka

6

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Cadil Bin Cabdiraxmaan Al Casuumi ayaa ka dalbaday Hogaamiyaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si looga fogaado xasilooni dari ay abuurto khilaafka wali kataagan Doorashada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Cadil Bin Cabdiraxmaan Al Casuumi ayaa ka dalbaday Hogaamiyaasha Soomaalida inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si looga fogaado xasilooni dari ay abuurto khilaafka wali ka taagan Doorashada Soomaaliya.

Al-Casuumi waxa uu shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Hogaamiyaasha Soomaalida heshiis uga gaaran doorashada qaran iyo xaqiijinta si wadajir ah in looga baxo muranka hareeyay doorasha.

Gudoomiyaha Baarlamanka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in aan la dhuminin guulaha laga gaaray dhinaca dagaalka Al-shabaab iyadoo la adkeenaya amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Waa in wadamada xubnaha ka ah Jaamacada carabta ay ku gacansiiyaan somalia sidii ay uga bixi lahayd xaalada cakiran ee hada ay dhex muquuranayso si looga fogaado in dalka uu colaad dib ugu laabto”.ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta

Ugu dambeeyn waxa uu sheegay inay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya si dadaalada socda loo xoojiyo ee dhinaca amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya