Jabuuti oo si kulul ugu hadashay eedeyn ay DFS u jeedisay.

2

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada maaliyada ee Jabuuti ayaa waxaa si kulul looga hadlay hadalkii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay faragelin ku hayaan arimaha Soomaaliya.

“Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas.

Wasiirka Maaliyadda dalka  Jabuuti Ilyaas Dawaale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warka ka soo yeeray Wasiir ka tirsan Soomaaliya oo uu ula jeedo Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Xilgaarsiinta Cismaan Dubbe , waxaa uu intaa ku daray in eeda loo soo jeediyay Jabuuti aysan waxba ka jirin.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay hadalka ka soo yeeray  wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaasi  oo ku celcelinaya mar labaad,  eedeymo kale oo been abuur ah oo ah in dowladda Jabuuti uu ajande ka leedahay xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay  Wasiirka maaliyada ee dalka Jabuuti.

Jawaabtan ka soo baxday dowladda jabuuti ayaa ku soo aadaysa kadib markii shalay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe uu diginin u jeediyay dalalka Jabuuti iyo Kenya, isagoona ku eedeeyay inay isku dayayaan “inay farageliyaan” go’aamada ka soo baxay  Midowga Afrika ee quseey arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga  ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo qeyb ka qaata howlgalada ka dhanka ah ah dagaalameyaasha Al-shabaab, iyagoona ku sugan gobolka Hiiraan