Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

2

Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd dalka Koonfur Africa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku ganacsada dalkaasi, waxaana kasoo baxaya faah faahinno kala duwan dilkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa kagu magacaabi jiray  Maxamed C/llaahi loona yaqaanay Farmaajo, waxaana la sheegay in lagu dilay Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

wali lama shaacin cid loo soo qabtay dilka loo gaystay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed, balse dalka Koonfur Africa ayaa inta badan waxaa dilal loogu gaystaa ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaasi ku ganacsada.