Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo hishiis ku saabsan qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka la saxiixday shirkadda AIC

14

Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd dhismaha Waddooyinka iskuxira gobolada dalka ayaa maanta waxaa ay kala saxiixdeen heshiiska daraasaynta iyo diyaarinta dikumintiga qandaraas bixinta dhismaha waddooyinka  Shirkadda AIC oo bahwadaag shaqo la ah shirkadda Dicson.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo saxiixay heshiiska ayaa waxaa xafladda ka soo qeyb galay Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyada.

Waddooyinka lagu samaynayo daraasayta loona diyaarinayo dikumintiga qandaraas bixinta ayaa kala ah

1. Beledweyne iyo Kalabaydh
2. Samareeb iyo Qarandi iyo
3. Gaalkacayo iyo Faratooyo

Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Maxamed Iimaan ayaa sheegay in mashruuca dhismaha Waddooyinka isku xira gobolada dalka uusoo maray heerar kala duwan.

Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir iyo Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa soo dhoweeyey heshiiskan.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa xusay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay mashruucani dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.